Soomaaliya iyo Nayjeeriya oo ka wada hadlay xal u helidda dhibaatooyinka ay sababeen is beddelka Cimillada

Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb; Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa kulan muhiim ah magaalada Dooxa kula qaadatay dhiggeeda dalka Nigeria mudane Mohamed Abdullaahi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay muhiimmadda ay leedahay wada shaqeynta labada wasaaradood si la iskaga kaashado xal u helidda dhibaatooyinka ay sababeen is bedelka cimilada , sida nabaad guurka dhulka iyo fatahaadaha oo ah mushkilado ay wadajir u wajahayaan labada dal.