Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dib-u-dhiska xabsiyada dalka iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo Midowga Yurub ee dhinaca hagaajinta nidaamka xabsiyada iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu horumarinayo adeegyada cadaaladeed ee dalka.

