Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan rasmi ah dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Marzuuq, kulankan ayaa ka dhacay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mauritania.
kulanka waxaa goob joog ahaa Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya Aljeeriya ahna Danjiraha anan dagganeen Dalka Mauritania Amb. Yusuf Axmed Xasan( Yusuf Jeego.
Kulanka ayaa waxaa lagu kala saxiixday saddex heshiis Is-afagarad kuwasoo Muhiim u ah labada dowladood Soomaaliya Iyo Mauritania.
Somaaliya Iyo Mauritania, ayaa waxay iska kaashan doonaan Arrimaha Amniga ladagaalanka argagixisada kaluumeeysiga Iyo Arrimaha Batroolka Iyo Waxbarashadda.
Dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa boqoshadiisa Muritaaniya ku salaysan tahy adkaynta Xiriirka labada Wadan Soomaaliya iyo Muritaaniya.

