Addis Ababa:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar,
kulankaas oo ka qabsoomay intii ay socdeen shirarka Midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa.
Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyey xiriirka xooggan ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna isku raaceen in la sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan isku-duwidda diblomaasiyadeed, nabadda iyo amniga, ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in la joogteeyo wada-shaqaynta dhow ee marinnada diblomaasiyadeed ee jira, si loo hormariyo danaha wadajirka ah ee xasilloonida gobolka.


