Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabbilay danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.