Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimillada

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS Marwo, Khadiijo Maxamed Makhsoumi oo howlo shaqo u joogta dalka Masar ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Masar marwo, Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada oo adduunka qatar ba’an ku haya, saameyn-na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii uu kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wasaaradood ayna isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.