Soomaaliya iyo Masar oo heshiis is-afgarad kala saxiixday

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoolajiyadda, ICT-da iyo Boostada.

Goobta lagu kala saxiixday heshiiska waxaa goobjoog ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mostafa Madbouly iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar  Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh,lataliyaha wasaaradda.

Hishiiska oo socon doona muddo shan sano ah ayaa waxa uu ku saabsan yahay iskaashiga labada dal in la isweedaarsado aqoonta ku saabsan tababbarada ICT-da, Isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta Kaabayaalka Dhijital-ka ah, khibradaha istaraatiijiyada iyo siyaasadda amniga internetka, Iskaashiga dhinaca adeega Boostada, waayo-aragnimada ku saabsan hal-abuurka Teknoolajiyada iyo hal-abuurka ganacsiga.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan oo ka hadlay ahmiyadda hishiishka is-afgaradka ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar ayaa ku micneeyay inuu yahay mid lagu adkeynayo xiriirka soo jireenka ah ee  labada wadan.