Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday 86.7 Milyan USD oo lagu Horumarinayo Dimuqraadiyadda , Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageerada saaxiibtinimo, iyadoo la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeradaan hannaankii loogu talagalay, iyadoo isla markaana la waafajinayo qorshaha horumarinta Qaranka.

Kulanka lagu kala saxiixanayay heshiiska oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS, Dr; Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya , Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.