Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay dib u dhiska goobihii laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane, Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Maraykanku ay gacan uga gaysan lahayd dib u dhiska goobaha danta guud ee magaalooyinka laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in si deg-deg ah daraasadda dib u dhiska loogu sameeyo xarunmaha maamulka Degmooyinka, Xarumaha Saldhigyada Booliska, Xarumaha Maxkamda Degmooyinka, Xarumahaa Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, Ceelasha biyaha ee xooluhu ka cabbaan iyo ugu dambayntii dib u dhiska Waddooyinka isku xira degmooyinka la xoreeyey.