Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maaliyadda

Wasiirka Wasaaraada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli ee dalka Liibiya kua kulmay Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Liibiya, Mudane Rashiid Abuu Qaffah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo kan maaliyadeed ee labada dal, ballaarinta xiriirka dhinacyada dhaqaalaha iyo taageeridda horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya, loona ballaarin lahaa fursadaha ganacsi ee xoolaha Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan suuqayadda dalka Liibiya.