Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriyada koofureed u fadhiya Soomaaliya, Park Ji-Hyun.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Dhinacyadu waxay dib u xaqiijiyeen taageerada Jamhuuriyadda Kuuriya koofureed ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga ee badda, dhismaha awoodda iyo horumarinta hay’adaha ee Kuuriyada koofureed iyo Africa, dib u xaqiijinta iyo ka go’naashaha horumarka waara iyo xiriirka xooggan ee Soomaaliya.