Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane, Maxamed Barre Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Kenya, Ababu-Terrah Egh, waxayna ka wada hadleen iskaashi dhex mara labada dhinac.

Wasiir Maxamed Barre oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalkeenna qaarkood iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa kala hadlay dhiggiisa Kenya xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhallinyarada, iyadoo labada dal ay is-dhaafsan doonaan tartamo saaxiibtinimo iyo is-waydaarsiga khibradda labada dal.

Wasiir Maxamed Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shirweynaha Cimillada Afrika oo ay ka qayb galeen kumanaan ergo ah oo Afrika ka kala timid ayna ku jiraan hoggaamiyayaasha wadamada qaarkood, Wasiiro iyo ururrada dhallinyarada Afrika oo ay ugu horreeyaan kuwa deegaanka u dhaqdhaqaaqa.