Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.