Soomaaliya iyo IOM oo ka wada hadlay wax ka qabashada barakacayaasha gudaha

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminaysay Marwo SungAh Lee, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) u qaabilsan Maamulka iyo Dib-u-habaynta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waafajinta barnaamijyada IOM ee mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), gaar ahaan wax ka qabashada baahiyaha barakacayaasha gudaha iyo bulshooyinka martigeliya, iyadoo la abuurayo fursado dhaqaale oo waara.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta nidaamyada dowladda, isku-duwidda deeqaha, kormeerka iyo qiimaynta barnaamijyada IOM, waxayna isla garteen in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyadan.