Soomaaliya iyo IMF oo ka wada-hadlay hannaanka deyn cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ku wada hadlay shir ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka.

Kulanka ayaa waxana shir Guddoomiyay Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud, waxaana looga hadlay hannaanka geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya meel wanaagsan.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dalka aad muhiim ugu ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dedaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.