Soomaaliya iyo Imaaraat-ka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

La taliyaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee arrimaha Carabta iyo Islaamka, Cumar Carab Ibraahim ayaa xarunta Safaaradda Imaaraat-ka ee Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraat-ka ee Soomaaliya mudane, Axmed Jumca Al-rumeythi.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa loona adkayn lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Dowladda Imaaraat-ka ayaa Soomaaliya ka taageera arrimaha bini’aaddan-nimada iyo dib u dhiska Ciidamada.