Soomaaliya iyo Imaaraat-ka oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraatka Carabta ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan Golahaas.

Labada Guddoomiye, waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dowladood iyo shucuubtooda iyo sii adkaynta xiriirkaas.

Mas’uuliyiintan ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo wada tashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ku saabsan dan-wadaagga labada dowladood, si looga gun-gaaro kaalinta wax ku ool ah ee diblamaasiyadda baarlamaanka, gaar ahaan inta lagu guda jiro hoggaaminta iyo ka qayb galka hawlaha Baarlamaanka gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, labada guddoomiye, waxa ay xoojiyeen muhiimadda xiiriirka, iskaashiga iyo aqoon iswaydaarsiga labada gole, iyadoo arrimahaas loo xilsaaray Guddiyada Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan, islamarkaana ay yeeshaan kulamo dhaxdooda ah oo lagu soo diyaarinayo qorshayaasha dhinacyada muhiimka ah ee ay labada Gole iska kaashan doonaan.