Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari, ayaa magaalada Baqdaad ku kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo u dhexeeya labada dal.
Heshiiska ay labada Wasiir kala saxiixdeen ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida labada dal ee walaalaha ah, isla markaana lagu tayeynayo awoodda hey’adda amniga.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kamid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalka Ciraaq uga qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta.
Munaasabadda heshiiska labada Wasiir waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood oo uu ku jiray Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi.