Soomaaliya iyo Canada oo ka wada hadlay dhameystirka arrimaha deyn-cafinta Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharmal Sheekh ee Dalka Masar waxa uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo mas’uuliyiintii la socotay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka Isbeddalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbeddalka cimillada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xooggan ku yeeshay.