Soomaaliya iyo Algeriya oo ka wada hadlay wadaaga fursadaha ganacsi

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Algeria Mudane Kamel Rezig.

kulankaas ayaa ka dhacay magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dadaalka Dowladda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, Barnaamijka dayn-cafinta iyo wadaagga fursadaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo Algeria.