Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada. Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah. Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka. Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2 . Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:- 1.Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS. 2 Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga, sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan. 3. Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS. 4. Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya. 5. Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira. 6. Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada. 7. Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km. Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqday xarunta Tignoolajiyadda Shirkadda Bayraktar ee sameysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga, waxaana ku soo dhaweeyay xaruntasi madaxa shirkadda Selçuk Bayraktar, iyadoo Soomaaliya ay dhawaan heshay qaar ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddan sameyso ee AKINCI TB2 iyo kuwa kale oo haatanba ka howlgala dalka Soomaaliya, ayna gacanta ku hayaan ciidanka Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono difaaca Qaranimada iyo badqabka Dhuleed, iyadoo mid ka ah ay tahay Diyaaradan Akinci, waana nooca aan duuliyaha laheyn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar, waxaana loogu talagalay inay fuliso howlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo howlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa Rasaas, Gantaalo iyo Bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaailaa iyo 25 saacadood, waxaana kaloo loo isticmaala Tiknoolajiyada Sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda, iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar Sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Akıncı waxay qaadi karta ugu badnaan culeys dhan 5500+ kg, waxay leedahay laba matoor oo turboprop ah oo awood u siinaya inay hawada sare u gasho joog dhan 38,039 ft oo ay ku gaari karto muddo 25 saacadood ah masaafo 7,507 km, waxayna ku qalabeysan tahay hannaan awood leh oo ay ku qaadi karto weerarrada elektaroonig ah ,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada ka-hortagga, nidaamyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka, radar hawada-ilaa-hawo iyo radar-ka-hortagga shilalka.

Ma aha diyaaraddii u horreyay ee aan duuliyaha laheyn oo ay Soomaaliya hesho, horey waxay ciidanka Soomaaliya u heysteen diyaaradda Turkiga uu soo saaro ee Bayraktar TB2 .

Haddaba Muhiimada ay u leedahay Soomaaliya diyaaradan ayaa Dadka ka faallooda arrimaha Ciidamada ayaa tibaaxaya dhowr arrimood:-

1.Inay ku hubeysanyihiin ciidanka Soomaaliya diyaaradda Bayraktar Akınci , waxay siinaysa gacan sarreyn ay kaga gudbayaan dheelitirkii awoodda ee u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo kooxaha sida AS.

2 Waxaa adkaanaysa inay nolal ku laabtaan koox kasta oo weerar ku qaada saldhigyada ciidanka xoogga, sabab la xiriirta masaafada deg deg leh oo goob kasta oo Soomaaliya ay ku gaari karto diyaaradan.

3. Diyaaradan waxay leedahay hannaan sirdoon oo awood u siinaya ciidanka Soomaaliya inay fuliyaan howlgallo gaar ah oo ay ku beegsanayaan xubnaha sare ee AS.

4. Bayraktar Akınci , waxaa kaloo ay Soomaaliya awood u siinaysa inay ilaaliso hawadeeda oo diyaaradan ayaa ka hortagi karta diyaarad walba oo soo gasha hawada Soomaaliya.

5. Akınci, waxaa kaloo ay fulin kartaa howlgalo baadi goob iyo sahmin isugu jira.

6. Waxayna awoodaan labadan diyaaradood inay muddo ka yar afar bilood ku burburiyaan saldhigyada AS ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, haddii ay helaan gantaallada iyo xogta sirdoon ee bartilmaameedyada.

7. Heli-taanka diyaaradaha waa in goob kasta oo ka tirsan Soomaaliya ay howlgallo ka fulin karaan ciidanka Soomaaliya, sababtoo ah saacadii waxay ku gaari kartaa masaafo dhan 277 km illaa inta u dhaxeysa 361 km.

Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqday xarunta Tignoolajiyadda Shirkadda Bayraktar ee sameysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga, waxaana  ku soo dhaweeyay xaruntasi madaxa shirkadda Selçuk Bayraktar, iyadoo  Soomaaliya ay dhawaan heshay qaar ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddan sameyso ee AKINCI TB2 iyo kuwa kale oo haatanba ka howlgala dalka Soomaaliya, ayna gacanta ku hayaan ciidanka Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.