Soomaalida maxay ugu jidbootaa qabiilka amxaase u diiday qaran iyo midnimo in ay laasimaan oo ku dhaqmaan ?
Waxay ka mid tahay waxyabaha la yaabka leh ee aaad ku dhex arkeyso dhaqanka soomaalida oo xididadiisa ay ku sii xoogeysanayaan geedka qabiilka iyo qabyaaladda oo aan ognahay halka ay soomaalida dhigeen iyo sida ay uga reebeen dunida inteeda kale.
Meel walba oo qof soomaali ah joogo waxaad ugu tageysaa qabiil iyo qabyaalad oo xitaa soomaalida dalalkii ay qaxootinimada u tageen waxay la joogaan oo kaga dhaqmaan qabiil xitaa haddi hal qof uu yahay kama waayi kartid dhaqan qabiil iyo qabyaalad.
Wax walba oo nolosha soomaalida ah waxaa ku jira qabyaalad haddii ay tahay siyaasad, dhaqaale , dhaqan iyo qeybaha kale ee nolosha taasna waxaa daliil u ah : waxaan siyaasad ahaan ku dhaqanaa 4.5 oo ah hanaan qbyaalad ku dhisan , matalaad hadddii ay tahayna waxaa loo laaabtaa qabbaa’ilka , sidoo kalena dhinaca dhaqanka arrimaha la xiriira sida guurka xisaabta taalla waa qabyaalad oo ay ku jirto reer hebel iyo hebel isam geeyaan iyo isma galaan iyo wixii la mid ah , dhaqaalaha sida shaqooyinka waxaa Iyana saameyey hannaanka qabyaaladda oo faraya in mas’uul walba cidda u dhow in uu soo dhaweeyo ama uu wax siiyo inta kalena ciidda ku daro oo aanu waxba ka soo qaadin.
Iyadoo intaas oo dhan ay jirto ayaa haatan caalamku waxaa uu ka hormaray dhinaca teknolijiyada iyo aqoonta iyadoo dadyowga caalamku tiigsanayaan meel sare hadana soomaalada weli dhaqankeedaas ayey meel walba la taagan tahay.
Baraha bulshada ayey muddo dhow soomaalidu ku soo biireen maadama ay barahaasi yihiin kuwo la isku weydaarsado afkaaraha iyo xogaha isla markaana qeyb ka ah iska warqabka bulshada laakiin soomaalida dhaqamo kale ayey ku bilaabeen barahaas dhexdooda.
Tusaale ahaan barta bulshada ee TIKTOK waxaa ka jira tartamo madadaalo ah oo loogu talogalay in lagu maadeysto qeybna ka ah isdhexgalka laakiin soomaalida sidaas si ka duwan ayey barahaas u adeegsanayaan.
Waxay ka bilaabeen tartamo qabiil isugu faan ah oo dib u soo celin kara colaado hore looga bogsooday iyo isnaceyb hor leh taas oo ah wax aanay soomaalidu xilligan u baahneyn.
Tartamadan qabiilka iyo qabyaaladda ku dhisan waxaa la isku weydaarsadaa aflagaado iyo luuqad aan fiicneyn iyo isku habar wacasho aan meeshaba oollin oo aan la ogeyn ujeedada laga leeyahay ee dhabta ah.
Tartamadaa sidoo kale waxaa lagu bixiyaa lacago fara badan oo haddii looga faa’ideyn lahaa bulshada inteeda kale ee u baahan wax weyn soo kordhin laheyd boqolaal baahanna u noqon laheyd gargaar.
Dad ayaa lacagahaa ku bixinaya heyb qabiil iyo istus tus qabiil jaceyl ka buuxo waana mid aan Meesha ku jirin oo aan la ogeyn faa’idada dadka bixinaya lacagahaa ay ka heli karaan.
Waxaan soo jeedin lahaa in baraha bulshada aan laga dhicin meelo lo kala xiro qabaa’il qabyaaladana lagu xoojiyo ee waan in aan bedelnaa qaabka adeegsigeenna baraha bulshada haddii kale soomaalida waxay noqon doonaan kuwo meel walba laga naco laguna naco waxa ay ku dhaqmayaan.
W/Q: Mohamed Hassan