Dalka soomaaliya waxaa gumeysan jiray reer yurub oo ay ka mid yihiin dowladaha ingiriiska iyo talyaanniga oo muddo aad u dheer gumeysanayay waxayna u qeybiyeen shan gobol.
Haddaba, xilligii qeybsiga afrika ayaa ingiriisku wuxuu bixiyey seddax ka mid ah gobollada soomaaliya, wuxuuna kala siiyay dowladaha faransiiska iyo
itoobiya iyo keynya.
Gumeystihii reer yurub waxay isaga guureen dalka soomaaliya 1960kii iyagoo xamiliwaayey ama u adkeysan waayay dagaallada isba joogga ah ee Gobannima doonka.
Haddaba, soomaalida oo go,aansatay in ay iska xoreeyaan ama iska dulqaadaan gumeysiga caddaanka ah iyo kan madoow intaba waxaa meesha ka baxay cadowgii iyo u adeegayaashii u shaqeynayey gumeystaha reer yurub.
Intaa ka dib waxaa midoobay laba gobol oo la kala oran jiray suud iyo Noorad ama waqooyiga iyo koofurta soomaaliya oo ay magaalo madax u tahay muqdisho, halka markii hore hargeysa ay magaalo madax u aheyd waqooyiga galbeed ee soomaaliya.
markii la ay midoobeen labada gobo lee xorta ah waxaa magaalo madax u noqotay xamar ama muqdisho oo adduunyadu u aqoonsatay in ay yihiin dowlad buuxda.
Dastuur soomaaliya ayaa sheegaya in ay tahay magaalada muqdisho meeshii lagu lagu heshiiyay laguna midoobay ka dibna dalka laga xukumi jiray, laakiin waxaa isweydiin mudan gobolladii shalay ingiriisku dhiibay soomaali ma yihiin =?
Haddaba Runta hadiidin weligaa haddii uu utago qof soomaali ah, soomaalida itoobiya waxaa la weydiinayaa aqoonsi la yiraahdo mustawaqo, haddii laga waayo waa la xirayaa ama la dilayaa, hanti haddii uu watayna waa laga dhacayaa wuxuuna eedayaa magaca soomaalinnimada
Haddaba, nin ku xiray oo soomaali ah oo haddana og inuu dhulka yahay dhul soomaaliyeed sideen walaalo ku noqoneynaa waxaa aqoonsiga i weydiinaya waa dad soomaali ah waxa I xirayaana waa soomaali,
Sidoo kale, haddii aan kenya uu tago qof soomaali ah iyo haddii uu tago jabuuti iyo haddii uu tago itoobiya waa seddax cadow oo midba midka kale aan waxba u dhaamin.
Hadadba, xilligii burburka soomaalidii qaxootiga ahayd ee ka carara dagaalladii sokeeye dhibaato badan ayay kala kulmeen gobolladii ay u carareen iyagoo soomaalinimo raacaya oo weliba isleh waa gobollo soomaaliyeed oo waxaa jooga walaalo idiin diir naxaya balse ma dhicin
inta aysan qaabbilin hay,adda U.N.C.H.R ee qaxootiga
adduunka waxay soomaalidu la kulmeen dhibaato aad u daran dad badan ayey laayen soomaalida itoobiya iyo kenya laakiin dowladda jabuuti waxay muujisay naxariis iyo soo dhoweyn soomaalinimo oo waxaa la dereemayey dhalashada soomaalinnimada.
Sidoo kale, markii lagu daro shirkii lagu qabtay magaalada carta ee lagu soo dhisay dowladdii KMG ahayd ee lagu dhisay afar iyo bar in wax lagu wadaago.
Haddaba, waxaa muuqata in ay sii baaba,ayso magacii soomaalinimada iyo asalkii dadka ay wadaageen.
soow ma habboona in la isweydiiyo soomaaligu cidda uu yahay oo gaarka ah magacaani wuxuu lahaa hiil iyo hoo iyo dad difaaciisa u taagan oo soomaaliyeed laakiin maanta waxaad arkeysaa soomaali oo dayacan iyadoo la isku dilayo oo dad yar ay u damqanayaan soomaali nimada marka la sheego
haddaba, soomaaliyeey isgaro oo midoowba oo ka feejignaaw cadowgaaga oo adduunka meesha aad ka joogtaba soomaali uun baad tahay ee walaalkaa yaan laguugu dirin kuwa jooga gobollada gumeysigu heysto ha soo dhaweyeen walaalahooda kale ee somaaliyeed hana ogaadeen in uu dalka soomaaliyeed yahay mid qura oo soomaali weyn ah, ogaada dalkaadu waa lama huraan dadkaaduna waa la mid oo ha diidin soomaalinimada oo ha ka cararin dadkaada hana u diidin dalkiisa ee dugso oo wehel ka dhigo.
WQ: Abwaan C/salaam Axmed gabayre