Soomaali ku geeriyootay shil ka dhacay Mareykanka

Muwaaddin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Jaamac, ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaaladda Chicago, gobolka Illinois ee dalka Mareykanka.

Maxamed ayaa ahaa wade Gaari nooca xamuulka ah ee loo yaqaanno (truck) ee u kala goosha Magaalooyinka iyo Gobolladda dalka Mareykanka.

Booliska Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa wada baaritaanno ku aaddan waxa sababay shilkan.