SOO LAABASHADA CIIDANKA ILAALADA QARANKU WAA DHAMAADKA KOOXDA KHAWAARIIJTA (WARBIXIN)

In ay diyaar yihiin Ciidanka ilaallada qaranka Gaaska koowaad ee Duufaan maka dhigan tahay dhammaadka khawaariijta naf la caariga ah?

Ka dib 15-kii bisha may sannaddii 2022 guushii dib u doorashadda madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud,waxa guud ahaan dalka Soomaaliya ka curtay halgan nafhurnimo ah kaas oo dib loogu soo celinayo sharafkii,qiyamkii, karaammaddii dalka iyo dowladnimadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuummadiisa ayaa iclaamiyey dagaal saddex jiho ah kaas oo lagu qaadayo kooxaha khariban ee khawaariijta,jihooyinka laga weeraray khawaariijta ayaa kala ah dhaqaalaha,Fikirka iyo in lagu ekeeyo goobaha ay joogaan weeraro toos ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed oo ugu horeeyeen kooxaha gobanimo u dirirka macawisleey ayaa gobolladii,degmooyinkii iyo deegaannadii ugu badnaa ka sifeeyey kooxaha khawaariijta.

Ciidanka ilaaladda qaranka Gaaska koowaad ee Duufaan oo tababar heerkiisu sarreeyo ku soo qaatay Dalka Eritrea ayaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay,iyagoo qayb ka noqonaya dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaariijta,soo guryo galka Ciidanka ilaaladda qaranka ayaa ka dhigan in markan si dhab ah loo dabar jarayo kooxaha khawaariijta oo weli ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah goboladda iyo degmooyinka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina,Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga, Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud.

Heerka tababar ee Ciidanka.

Ciidanka ilaaladda qaranka ayaa qaba nooc kasta oo tababar ciidan ah kuwaas oo adkaysi iyo dhabar adayg u leh marxalladaha adag kaas oo ay ku wajihi karaan caddowga iyo khawaariijta dhibaataysay shacabka Soomaaliyeed,tan ayaa ka dhigan in gabi ahaan ba laga tirtiri doono kooxaha khawaariijta dhulka Soomaaliyeed.

khuburadda ku xeeldheer Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku sifeeyey soo guryo noqoshadda Ciidanka ilaaladda qaranka in ay ka dhigan tahay dhamaadka kooxaha khawaariijta sidoo kaleba si buuxda loo suggo amniga guud ee qaranka taas oo dadweynaha Soomaaliyeed iyo dowladda ba uga dhigan guul qaran.

Isbeddel dhaqaale.

Dhamaadka kooxaha khawaariijta ka dib waxa dib waxa isbeddel bulsho iyo mid dhaqaale ba ka curran doonaa Soomaliya taas oo ay dib u hawlgeli doonaan ganacsiyadda isaga gudba goboladda iyo degmooyinka kuwaas oo hore kooxda khawaariijtu u kala go’doomisay.

waxa sidoo kale adeegyadda dowladdu gaari doonaan goboladii iyo degmooyinkii mudada dheer ay go’doomisay kooxda khawaariijta ee gabalkeedu dhacay, falashadda beeraha iyo dhaqmaha xoollaha nool ayaa sidoo kale qayb ka noqon doona dhismaha kaabayasha nolosha ee unkami doona dhammaadka khawaariijta.

Isu socodka Gobolladda.

Dhamaadka kooxaha khawaariijta ka dib Waxa furmi doona isu socodka gobolada iyo degmooyinka dalka taas oo hore khawaariijtu u kala goysay,isku soo wada xoori dhamamaan filashooyinka ayaa ina tusinaya in tani ka dhigan tahay dhammmaadkii kooxaha khawaariijta.

WQ: SONNA