Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa caawa magaalada Muqdisho ka ambabixisay 11-gaari oo sida shixnad gargaar ah, kuwaas oo si gaar ah ugu wajahan deegaanada Ceel Cali Axmed iyo A-lkowsar ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaana khawaarijta ay ku soo qaaday weerar nafla caari ah.
Gargarkaan ayaa ka kooban qeybaha raashinka, Daawo ,Teendhooyin iyo agab kale oo muhiim ah waxaana loogu tala-galay in ay ka faa’iidaysantaan 15,000 oo qoys kuwaas oo ku barakacay dagaaladii halkaas ka dhacay.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gadiidkaan ka sagootiyay duleedka magalada Muqdisho, waxana uu sheegay in deegaan walba oo iska xoreeya khawaarijta Gargaar Kan lamid ah ay gaarsiin donaan, isaga oo si gaar ah u ammaanay shacabka ku nool A-lkowsar iyo Ceel Cali Axmed iyo ciidamadi qaranka ee dhawaan khawaarijta ku jabiyay weerar ay ku soo qaaday deeganadaas.