Socdaalkii Ergeyga ee Mareykanka, Canada, UK iyo qaar ka mid ah wadammada Midowga Yurub.

Socdaalkii Ergeyga ee Mareykanka, Canada, UK iyo qaar ka mid ah wadammada Midowga Yurub.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha bini,aadannimada iyo gurmadka Abaraha oo warfidiyeennada la hadlay aya ka warbixiyay socdaalladiisii dibedda.
Ergeyga oo si dulmar ah uga hadlay xaaladdii Abaaraha ee waddanku ku sugnaa bartamihii sanadka ayaa sheegay in 6.1 Milyan oo ka mid ahaa 6.9 Milyan oo abaartu saameysay ay gargaar u baahnaayeen, iyada si dadkaas loo kaalmeeyona loo baahnaa 1.4 Bilyan oo xilligas laga haayay kaliya 260 Milyan oo u dhigantay %18.
Si loo muujiyo xaaladda ba’an ee Abaaraha loona soo jeediyo indhaha caalamka ayuu Ergeygu ku billaabay howshiisa socdaallo kala duwan oo lagu tegayo goobaha daran ee abaaruhu saameeyeen, isaga oo sidoo kale kulamo xiriir ah la yeelanayay Safaaradaha waddamo kala duwan, hay’addaha Qaramada midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.
Dhaqaalo xumida adduunka ee ka dhalatay saameynta taban ee COVID 19, colaadaha Ruushka iyo Yukreyn ayaa saameeyay deeqaha arrimaha bini’aadannimoda sidaas darteed ayaa loo baahdey in loo socdaalo waqooyiga Mareykanka iyo Yurub si loogu tirtirsiiyo caasimadaha galbeedka garab istaagga Soomaaliya iyada oo sidor kalena lala kulamayo jaaliyadaha Soomaaliyeed.
Dhaqaalaha ilaa hadda kusoo xarooday sanduuqa Gurmadka Abaaraha Soomaaliya ayaa dhan 1.1 Bilyan oo Dollar iyada oo hay’adda Qaramadaba Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee la marsiiyo deeqahaas ay ilaa hadda gargaar gaarsiiyeen 6.5 Milyan (Lix Milyan iyo shan boqol) oo qof. Ergayga ayaa sidoo kale sheegay in ay in badan kala hadleen dowladdaha deeqaha bixinaya sidii loogu gudbi lahaa in DFS iyo hay’addaha maxalliga ihi ay ugu filnaan lahaayeen howlaha gurmadka taas oo sida Ergeygu sheegay DFS uga baahan dedaal dheeri ah.
Gebogebadii ayuu Ergeygu sheegay in Si logga gudbo Abaaraha iyo gacan hoorsiga loo baahanyahay dhisidda bulsho iyo hay’ado dowladeed oo u diyaarsan la qabsiga isbeddelka Cimilada oo ka mid ah sababaha ugu weyn ee Abaarta.
Dhammaad