Beri baa waxaa dhacday qiso aad u yaab badan sidoo kalena qosol badan waxa ay ka dhacday wadammada Carabta
Waxaa jiray islaan aad u caqli badan oo aan hanti badan laheed meesha ay daganneed waxaa ku yiilay suuq ay ganacsatada deegaanku ay isugu imaan jireen todobaadkiiba mar.
Bandhig carweedka marki ay raggu isugu yimaadan waxaa kale oo ay kula qaadan jireen wixi markaasi suuqa ku cusub oo ay dadku aad u danaynayaan.
Maalin maalmaha ka mida waxaa isu yimid raggi Suuqa imaan jiray si ay ganacsigooda isu waydaarsadaan waxaa ayna meesha yimid haweenaydi oo meesha u soo aaday in ay khiyaano samayso.
Hawenaydi waxa ay la kulantay ganacsadi mid kamida waxa ay ku tiri bal kawaran hadii aan maanta 20 diinaarku siiyo shaqo yar oo aad u fududna ii qaba.
Ganacsatihi hunguri waynankiisa waxaa uu yiri ma 20 diinaar ayaa isiinee.
ay ayana tiri anoo wax badeeco ah kaa iibsan ayaa 20 diinaar ku siinaa ee ma ii samayn kartaa . Ninki waxa uu yiri ii sheeg waa kuu samaynaahe.
Naagti waxa ay tiri ninkaygi ayaa jihaad aaday muddo 10 sano ahna waa iga maqanyahay cir iyo dhul meel uu jaan iyo cirib dhigay lama haayo marka waxaan rabaa si aan sidi dadka caadiga u noolaado si taana u dhacdo waxaa la iga baahanyahay in aan maxkada geeyo dacwad furiin.
Marka adiga waxaa ii qabanee kali waxaa iska dhigee ninkaygi waxaa dhahaysa islaantaani waxaa kala maqnayn muddo 10 sano ah hadana waxaa go’aansanay in aan is furno sidaasi ayaa qaadiga u sheegeey ka dibna waa iska soo baxeen.
Ganacsadihi waxa uu yiri ma intaan kaliya ayaa kuu qabaan. Haa intaa kaliya ayaa ii qabanee Ganacsadihi waxa uu xoolahiisi kale kala soo dardaarmay raga kale oo uu yiri ii sii fiiriya hantida.
Waxayna isi soo raaceen islaanti iyo ninki waxa ay u yimideen maxkamadi marki ay u yimideen qaadiga.
Ninki waxa uu dhahay gebadhaani muddo 10 sano ah ayaa kala maqnayn hada waxaa go’aansanay in aan kala tagno ee innaga dhagayso.
Gabadhi ayaa la waydiiyay gabadhay ma runbaa oo mays furi rabtii? Haa ayay tiri waa runtii oo muddo 10 sano ayuu iga maqnaayay hadda meel ka soo helay oo aan qoorta uga soo dhagay haddana in layga furno ayaa go’aansanay. Intaasi ka dib ninki ayaa la yiri ku dhawaaq dalqadeeda gabadha waa uuna ku dhawaaqay in uu furay islaantaani.
Marki uu soo tagay oo wax yar soo dhaqaaqay ayay islaanti waxa ay tiri qaadi ninkaani muddadi 10-ki sano eheed wax masruuf ah ima siinin ee xaqaygi ha layga qaado ee soo celi ninki.
Qaadigi ninki ayuu u yeedhay waxa uu yiri kaalay halkaani soo joogso war gabadhaani maxaa masruufkeeda u siin wayday inti aad ka maqneed ninki waaga ayaa ku cadaaday oo waxa uu yiri xagee balaayadaani kaaga timid mana in kiri karo oo ma dhihi karo gabadhaani aniga ma qabo oo haddii sidaasi uu yiraahdo maxkamed kale ayuu qoorta la galaa oo waxaa waydiimo badan ka imaanayaa sidee maxkamadaani ugu soo dacwooteen adinkoo is qabin?
Ninki Waxa uu yiri qaadi muddadi aan maqnaay waa iska mashquulee oo meel aan kala soo xariiro ayaa garan waayey.
Qaadi waxa uu yiri waxaan kuugu xukumay in aad gabadhaani siiso 2,000 kun oo dinaar ee iska bixi.
Ninki yaab kale ayaa u yimid oo waxa uu sameeyo ayuu garan waayay, gebadhi waxa ay dhahday hal kun oo diinaar kaliya hadii layga qaado waa fiicnaan laheed Ninki waxaa laga qaaday 2-di kun oo dinaar waxaana la siiyay gabadhi.
Marki ay ka soo tageena waxa ay siisay 20 diinaar ninki waxa uu yiri war walaalay maxaa saan iigu khiyaantay.
Gabadhina waxa ay tiri war waxaani waa shaqadayda ee caadi iska iska dhigoo orod iska tag marka Maahmaahdii Soomaaliyeed waxaa ay eheed (Saqiir Naageed Sir La’aan ma dhinto) ayaa halkaani nooga muuqata.
Midda kale sheekadani waxaa ka baran karnaa in ganacsatadu ay Hami badan yihiin oo ayna iska hubin ficillada ay samaynayaan midda labaad inan sir naageed aan marnaba laga salgaadhi karin
Waxaa kale oo ayana jirta in haweenku ninka ay garab qabtaana uu gaadhi karo guulo waa wayn
Dhamaad
WQ: Abdullahi Hashi Yuusuf