Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galay Kulan Afur ah oo uu sameeyey Madaxweynaha Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada muqdisho kulan afur ah ugu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor , Midowga Musharixiinta iyo xubno Wasiiro ah.

Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo xasilinta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, sidoo kale Kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay qabsoomida Doorashoooyin la isla ogolyahay oo si nabdoon ku dhaca.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay shirka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada isugu yeeray Dowlad Goboleedyada, waxaana marwalba ay diyaar u tahay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.