Mareykanka oo duqeyn la beegsaday shaqsiyaad ka mid ah Daacishta Afganistaan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay weerar dhanka cirka ah ka fulisay Bariga Afghanistan,kaas oo lala beegsatay abaabulayaan  xiriir la leh koox Daacish, maalin kadib weerar ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu dilay ugu yaraan 175 qof iyo 13 askari oo Mareykan ah.

Weerarka xagga cirka ah oo ay fulisay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drooniska,ayaa warku intaa ku daray in uu ka dhacay gobolka Nangarhar ,iyadoo lagu bartilmaameedsaday Xubin looga shakisan yahay in uu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay magaalada Kaabul maalinimadii Khamista ee  la soo dhaafay.

Safaaradda Mareykanka ee Kabul ayaa uga digtay dadka Mareykanka ah ee ku hadhay Afgaanistaan ​​inay si dhaqso ah uga baxaan garoonka caalamiga ah ee Kaabul

Goor sii horreysay, afhayeenka Pentagon -ka John Kirby ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanka uu rumeysan yahay inay weli jiraan hanjabaadyo oo lagu kalsoonaan karo oo ka dhan ah garoonka diyaaradaha.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay inay fulisay weerarkii khamiistii ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha Kabul,halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 170 qof oo ay ku jiraan 13 ka mid ah ciidamada Mareykanka.