Duqa Muqdisho oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaal degmo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha xilka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah.
1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.
2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan.
3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle, Waxaana xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.