Khawaariij sideedaba waxaa la dhahaa burcad Diineed kuwaas oo si khaldan ugu fasira ugana dhaadhiciya dadka Diinta jacel balse aan aqoon badan u lahayn, si ay u gaaraan danahooda gurracan ee xukun raadiska ah iyadoo dadka intiisa kale la gaaleysiinaayo.
Khawaariijtu hadda kuma cusba Dunida oo horey bay u jireen waxeyna soo if baxeen dhimashadii Nabi Maxamad NNKH kadib balse Nabigu NNKH wuu sii sheegay wuxuuna yiri “haddii ay soo if-baxaan intaan noolahay waan dabagoyn doono, wuxuuna ku tilmaamay inay siddii leebka oo kale ugu dhex baxi doonaan Islaamnimada oo Quraanka iyo Axaadiista ay akhrinayaan uusan dhaafsiisneeyn Dhuuntooda ama Kalxantooda.
Khawaariijta, hal qof oo Saxaabadii Nabiga NNKH ama taabiciyiintii oo la yaqaan oo raacay ama raad ku leh ma jiro oo Diinta Sal iyo Raad toona kuma laha Khawaariijtu.
Khawaariijtu, meesha ay qabsadaan waxey dadka iyo duunyada joogaba ka dhigaan kuwo u adeega danahooda gurracan haddii kalena way Gaaleysiiyaan kadibna way laayaan ama way baabi’iyaan waxaa markhaati kuugu filan sidey ka yeeleen Ceelashii deegaannadii ay haysteen markay ay ka baxayeen waa kuwii qaarna Qarxiyay oo isku dumiyay qaarna Sumeeyay, sidoo kale waxa ay sumeeyeen xoolihii noolaa oo ay kadibna bireen, waxaa marag ma doonto ah inta hal-door oo ay ku dileen Miyi iyo Magaalo intaba, sidoo kale waxaan kaa qarsooneyn sida ay magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya ay ugu geeystaan dilalka qorsheysan ee argagaxa leh iyo Qaraxyada geeystay khasaaro Naf iyo Maalba leh. Haddiiba dhibaatooyinkaas oo dhan laga dhaxlay walina soo taagan yihiin, waxaan dhowranaa ma jiro oo aan ahayn in lagu Jihaado!!!
Haddaba Sifeynta Khawaariijtu Maxey uga Dhigan tahay Dalkeena Soomaaliya?
Haddii aan ka tixraacno halku dhiggii Madaxweynaha Dr. Xasan Sh/Maxamuud ee ahayd
“SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH” iyo sida uu hawlgalka u qeybiyay oo uu uga dhigay Wajiga Kowaad oo ka bilaabanaya Dowlad Goboleedyada kala ah Hirshabeelle iyo Gulmudug halkaas oo ay aad ugu xididdeysteen kana heli jireen dhaqaale xooggan taas oo ay u adeegsan jireen iska hor keenidda Qabaa’iillada walaalaha ah ee wada daggan iyo Diyaarinta Qaraxyo loo soo waarido caasimadda dalka ee Muqdisho, iyo Wajiga Labaad oo laga bilaabi doono Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo xooggeeda ah iyo meelaha ay sida qarsoodida ah ay ugu nool yihiin ee dalka ka mid ah taas oo noqoneysa ciribtirka iyo soo afjaridda kooxaha Khawaariijta iyada oo ay barbar socdaan la dagaalkanka fikirkooda xag jirka ah iyo kan cuna qabateynka Maaliyadda oo wada jira.
Gunaanadkuna wuxuu noqon doonaa Dal Nabad ah, Dad Nabad ah iyo Siyaasad Xasilloon taas oo inoo horseedi doonta inuu dalka isku furmo oo meel kasta si nabad ah loo gaari karo oo ganacsiga iyo isku socodkuba si toos ah inoogu furmi doono.
Dhinaca kale haddiiba dalka guud ahaan laga sifeeyo Khawaariijta waxaa sahlanaaneysaa inaan helno Maalgashiyo Caalami ah oo dhinacyo kala duwan leh haddii ay tahay Warshado, Beero, Shidaal qodis iyo Mashaariicyo kala duwan taas oo sabab u noqon doonta inaan ka baxno Saboolnimada oo dhallintu wada helaan shaqo ku habboon oo Nolashooda kafeysa, Dalkuna noqdo meel loo soo shaqo tago haddii Alle idmo, kuna biirno dalalka Qaniga ah ee iyagu Deeqaha bixiya una gurmada sidii na loogu soo gurmaday.
Haddaba waxaa marag ma doonto ah in hawlgakan uu mideyn doono Soomaali meel kasta oo ay dunida ka joogaan kuna dhammaan doono Guul lana xaqiijin doono Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah, illaahay idankiis!
WQ: DALKA EDITORIAL