In badan oo nolosha ka mid ah waan ka caajisnaa in aan xiriirino wanagga dhanka dadka kale, in aad yeelaatid dabeecad soo jiidasho leh waxay u baahan tahay marka hore in aad ka fiirsatid waxa aad ku halayso loomana baahna in aad isaga hadaaqdit wixi markaas afkaaga soo qabto waayo waxay kuu keeneysaa hadalada noocaas ah in ay sumcadaada hoos u dhacdo aadna yeelan weydo dabeecad aan wanagsaneen.
Mararka qaar waxaa dhici karto in aad ku hadashid ereyo aan munaasib ku aheyn meesha aad markaas ka hadlaysid,sheekadeena waxay tahay soo jiidashada usluubta wanaagsan, taas oo ay xoojinayso xiriirka bulshada kala duduwan ee aad la nooshahay, hadii aad joogteysana ay kuu noqon karta mid aad uwanagsan oo fudud.
Sideen uga dhigi karaa dabeecadeyda mid soo jiidasho leh?
Akhlaaqda wanaagsan ee soo jiidashada leh ama sida dadka kale lala tacaamulo arintaasna ma ahan mid adag, yaa ku jecel yaana ku ixtiraama,waxaan soo gudbinaynaa sidii aad ku yeelan laheed asluub soo jiidasho leh waxaana ka mid ah:
1. Noqo qof kheer rajeeya arimaha noloshada ku aadan: in aad wax fiican rajaysid waxay kuu suura gelinaysaa in aad gaarto hormar wanagsn
2. Noqo qof dagan: in aad noqotid qof dagan waxay ka mid tahay waxyaalaha ka caawin karaan in aad nqotid qof soo jiidasho leh,hana qonin qof caro badan waayo carada badan ama xanaaqa badan waxaa asal u ah sheydaan sheydaankana wanag kuuma samaeynaayo in uu wax kaa haleeyo maahanee,qofka aan caro badneed waxaa hubaal ah inuu yahay qof dabeecad leh.
3. Noqo qof wax dhageysta: marka ay kula hadlayaan bulashada ama dadka aad markaas la nooshahay waa in aad dhagaysataa,marka aad dadka dhageysatid waxay kuu arkaayaan in aad ixtiraamaysid hadii aad dadka kale ixtiraamto adiga waa lagu ixtiraamaayaa bulshada dhexdeedana qiimo iyo sharaf ayaad ku yeelanaysaa.
WQ: C/salaam M. Yaasiin