SIDEE LOOGA FAA’IIDEYSAN KARAA DAKHLIGA DALKEENA

Waxaa jira jihooyin fara badan ee looga faa’iideysan karo dakhliga dalkeena taas oo ay tahay in aan hormarino kana dhiidhino tabcashada beeraha, xoolaha iyo badda.

Annaga oo ka faa,iideysanayno dakhliga EEBBE SWC nagu galaday , tusaale Haddi aan xooggeena isugu geeyno ka faa,iideysiga dakhliga ka soo Burqaanaayo dhulkeena  hooyo,  waxaa si buuxda looga maarmi Doonaa dhaqaalaha shisheeye oo had iyo goor ay nagu curiyaamiyaan .

Hay’adaha shisheeye waxa ay doorkooda inta ugu badan ku bixiyaan curiyaaminta bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo u adeegsanaayo siyaabooyin kala duwan  oo ay ugu horeeyan xiliga abaaraha waqtigaas oo ay bulshdeeena  soomaaliyeed soo wajahdo xaalado bini’aadanimo tii ugu darneed.

Si looga kaaftoomo curiyaanitaas waxa laga maar-maan ah in la sameeyo feejignaan wayn oo ay ugu horeeyaan in lasameeyo keyd cunno  lana sameeyo mashaariicyo waaweyn ee looga hortagi karo  waqtiyadaas adag sidaasna ay noqoto talaabada koobaad ee looga kaaftoomo curiyaaminta loogana faa’iideysto dakhliga dalkeenna Hooyo..

Dhukleenna hoyo waxa uu leeyahay 33 boqolkiiba dhammaan ciida adduunka oo nabaad guur ku dhaaco.

Nabaad guur kaas o kordha markii si deg deg ah ay uga faa’iideystaan Awoodda ciidda si loo hormariyo wax soo saarka dalagga taasi oo ah furasaddo kale oo dheeraad ah tahay ne inaan uga faa’iideysanno dakhliga dalkeenna hooyo.

waxeynu u haysannaa furasaddo badan oo mudan mustaqbalka fog iyo kan dhawba ka faa’iideeysiga dakhliga dalkeenna soomaaliya xooggana isugu keeyno ka mira dhalinta ah ka faa’iideeysiga dakhliga dalkeenna innagoo ka fogaanayno kana taxatireeyno curiyaaminta hay’adaha shisheeye.

Dib umilicsiga dakhliga dalkeenna Hooyo waxaa ka mid kheyraadka aynu ka baahannahay taas oo xitaa inta badan aynu gelin waqti badan iyo maskax shiil tabcashada beeraha, xoolaha, kalluunka iyo kuwo kale oo fara badan oo uu hodon ku yahay dalkenna hooyo oo ALLE nagu nicaystay.

Dakhliga dalkeenna hooyo waxa uu ku saleeysan yahay Wax soo saarka qadiimiga ah iyo kan casiriga ah, Taasi oo meela badan ee dalkeenna hooyo ka mid ah ay si xoowliya ugu sii fideeyso

dakhliga dhaqaale ee beeraha ayaa ayaa ka mid ah laf dhabarta Nolosha iyo jiri taanka bulshada soomaaliyed, in ka badan 65 boqolkiiba iaa 70 boqolkiiba bulshada soomaaliyeed ayaa ku tiirsan dakhliga beeraha iyo wax soo saarkooda.

waxaa jira dalagyo dhowr ah oo inta badan uu dalkeenna u dhoofiyo dalalka kale annagoo ka maacsheeyno kana faa’iideeysaneyno wax soo saarka dakhliga dalkeenna Hooyo.

W/Q CABDULLAAHI ABUUKAR CAADLE