SIDEE LOO HORMARIN KARAA BEERAHA SOOMALIYA.

Soomaliya waa Dal uu Alle SWT uu Ku maneystay nicmooyin badan oo uu ugu talagalay umaddiisa in ay Ku munaafacoodaan si ay naftooda iyo aayahooda mustaqbalka ah ay Ku noolaadaan .

Beeraha waxa ay kamid yihiin nicmooyinka uu Alle SWT inagu maneystay oo u madda Soomaliyeed ay Ka faa`iideystaan ay Ku hormariyaan nolashooda oo ay kaga guul gaaraan .
Beeraha waxa ay Aas Aas u yihiin nolasha aadanaha waxayna tiir dhexaad aad u weyn u yihiin nolasha malaayiin dad ah oo Ku tiirsan beeraha waxa kasoo go `a oo ay dadka Ku noolyihiin.

Beeraha sidoo kale waa tiirka labaad ee nolasha aadanaha waxaana Ka horeeya tiirka koowaad oo ah biyaha biyaha waa waxa kaliya ee insaanka uusan la aantiisa noolaan Karin waxaana labaad soo galayaa beeraha oo ah tiirka labaad ee nolasha aadanaha adduunka Ku nool .

Haddaba sidee lagu hormarin karaa beeraha sababtoo ah dadka beeraha abuurta intabadan waxaa laga dhigay dad barakac ah oo sugaya kaliya lacagaha hay adaha laga keeno taasi oo sababtay in kumanaan beeralay Soomaliyeed ay beerahoodii ay katageen ayna Ka doorbideen in ay qoxiiti noqdaan.

Waxaa lagu hormarin karaa sadax arimood oo ay muhiim ay u tahay dadka beeraha abuurta oo ay u baahan yihiin in lagula taliyo in ay sameeyaan.

1. Dhiira galin: dadka beeraleyda waxa ay u baahan yihiin in lagu dhiiri galiyo tacabka beeraha sababtoo ah dadka beeraleyda haddii ay helaan cidd Ku dhiiri gelisa si ay beeraha u beertaan wax badan ayaa nolashooda Iska badalaya.

2. Qalabka Beeraha: dadka beeraleyda waxa ay u baahan yihiin in laga saacido qalabka Beeraha taasi oo u sahleysa in beeraleyda ay beertaan kumaan hegtar ah taasi oo wax weyn nolaha aadanaha waxa badan Ka badaleyso.

Dowladda , hay`adaha iyo ganacsatada waxa looga baahan yahan in ay bulshada Soomaliyeed ay Ka saacidaan helida qalabka Beeraha sida Makiinadaha , Caga Cagafta, Matoorada iyo qalabyo badan oo ay awoodin bulshada Soomaliyeed ay u baahan yihiin in laga saacido si ay waxbadan u soo saari lahaayeen.

3. Suuq loo iib geeyo: bulshada Soomaliyeed waxa ay u baahan yihiin tacabka ay soo gurteen suuqyo waaweyn ay u iib geen lahaayeen balse soomalidu waxaa haysata caqabada badan taasi oo sababta in ay beeraleyda ay nacaan in ay beeraha abuurta an.

Caqabada jira waxaa kamid ah in beeraleyda laga qaado lacago canshuuro xad dhaaf ah oo ay Ka qaadaan maleyshiyaadka shabaab, daacisha iyo dowladda oo canshuur Ka qaado intaas waxaa u dheer isbaarooyin isbar baryaala oo looga qaato lacago tiro beel ah taasi oo Ku qasbeysa beeraleyda in ay Ka niyad jabaan tacabka beeraha.
Tala soo jeedin Ku socota dowladda iyo ganacsatada.

Dowladda waxaa looga baahan yahan In ay bulshada la socoto baahiyaha ay qabaan ayna kasaacido waxyahaabaha as aasiga ah loona fududeeyo helidda wax kasta oo ay u baahan yihiin bulshada kana ilaaliso lacagaha baadda laga qaado oo ay Ka qaadaan kooxaha Kala duwan ee dalka Ka jira cashuurtana laga dhimo bulshada Soomaliyeed si ay u hormariyaan nolashooda iyo midda bulsho ay Ku dhexnoolyihiin.

Ganacsatada waxa looga baahan yahan In ay bulshada Soomaliyeed ay garab istaagaan oo suuqyada loocamiro dadka beeraleyda ah oo dalag yadooda Kala duwan looga iibsada qiima raali galiya si ay bulsho badan ay oga dhiiradaan oo ay hormar nolasha ah ay sameystaan oo shaqa la`aanta dalka oga baxdo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.