Marka ugu horreysa xoolaheenna ma xisaaban yihiin ari geel lo maxaan tiro sax ah heysanaa haddaan soomaali nahay? Xaqiiqo ahaan jawaabtu waa maya laakiin waxaa la qiyaasaa in aan nahay dalka ugu geela badan adduunka iyo xoolaha la dhaqdo, waxaa ku xiran dalkeenna ganacsato badan oo ajaaniib ah oo dhoofsada xoolaha nool ee soomaaliya, runtiina waa xoolaha loogu jecel badan yahay cunista hilibkooda.
Dakadaheenna qaar waxaa laga dhoofiyaa xoolo badan oo isugu jira geel ari iyo mararka qaarkood lo’da balse wax faa’iido ah lagama helo oo waxay lacagta adage e ka soo xarootaa ku dhacdaa jeeb gaar loo leeyahay.
Taasi ayadoo ay jirto ayaa haddana dhoofinta neef kaamil ah waxaa dalka ugu sugan khasaaro waayo neefku wuxuu ka kooban yahay 1- Cad 2- Caano iyo 3-Maqaar.
Haddaba, marka lagaa dhoofsado neefkiiyoo nool waxaa lagaa faa’iidaa hilibkii oo gooni ah maqaarkii oo u dheer markii 1000 neef lagaa gato waxaa halkaas saran 1000 maqaar ama jildi oo ruuxa gatay uu ka helayo faa’iido mararka qaar ka badan intuu neefka oo dhan ugu fadhiyo.
Taasina waxay u baahan tahay ka fiirsasho saraakiisha qaabilsan dhoofinta xoolaha iyo wasaaraddaba in ay fara geliyaan qiimaha xoolaha lagu gato marka ay dhoofka tahay.
Waxaa jira wax loo yaqaanno maxjarro loogu talagalay xoolaha in lagu xanaaneeyo marka loo diyaarinayo dhoofinta halkaas sida badan waxaa ku baaqata canshuuraad ay dowladdu u baahneyd waayo waxaa xoolaha ku jira lacag fiican oo canshuur ah haddey tahay suuqyada gudaha iyo kuwa dhoofinta ahba.
Haddaan usoo noqdo ujeedka maqaalkeyga waa hubinta iyo koontoroolka caafimaadka xoolaha soomaaliya laga isticmaalo gudaha iyo dibaddaba
Neefka xoolaha ah waa sidii bini’aadanka oo kale way xanuunsadaan waxaana loo baahan yahay in ay leeyihiin taqaatiir u gaar ah oo si joogta ah u lasocda caafimaadkooda iyo dhaqdhaqaaqooda.
Haddii ay xooluhu caafimaadsan yihiin waa ka qiimo badan yihiin xoolaha kale wayna ka hilib iyo miisaan badan yihiin.
Takhaatiirta loo yaqaanno Viternaario ee ku taqsusay caafimaadka xoolaha wax badan kama muuqdaan miyiga iyo meelaha xoolaha lagu dhaqdo.
Tirakoobka dadka iyo xoolaha Waxaa jira hees arrintaas ay fannaaniintu ku tilmaameen hadda ka hor waxayna ahayd sidan:-
Tirakoobka Dadka
-Imisaa xabaal galay, intee xayi ahee nool, inteebaa xanuun qabaa
-Intee xaas la’aan koriyaa, intee xoog shaqeeya leh, intee xaraf tacliin dhigan.
-intee xarun magaala intee miyiga xulataa haddii aan xog loo heyn sidee baa loo xannaaneyn
Tirakoobka Xoolaha
-xoolaheenna foofee inta xeyska daaqdaa waa intee xubnoodo xaddigooda ii sheeg
Intee caano xooxa leh intee hilib xardhooshilii intee hilib bukaan qaba halkey xera dhiggoda halke ka cabaan xagaagii
Haddii aan xog loo heyn sidee baa loo xanaaneyn
Sida xaabka tuulada haddii aan la xaaleyn xoolaheenna
Xaq waliba aduunyada loo diidin dhoofka xoolaheenna
Barna gowrac lagu xago dugaaguna bar xuubsado oo aan xaashi lagu qorin
Xasilkiyo wixii lumay oon xaashi lagu qorin, inay xaalufaanoo hadhow ceyr xubeeraa noqonnaa xabko nahee noqonnaan xabku nahee.
Xaqiiqdii tirsiga guud waa xudduntii dhaqaalaha
Xaqiiqdii tirsiga guud waa xidhiidhkii kalsoonida
Dadbaa loo xil saaroo howshaai xambaartee waa in lala xarkeeyaa
War intaas ku dhan wax dheefna allaa ku maqanee noo daryeela dadka iyo duunyada.
WQ: Osman Dhiblaawe