Shirweyne lagu dersayo maalgashi dhex mara dowladda iyo ganacsatada oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madal lagu magacaabo Magan Forum, taas oo lagu sahminayo iskaashi maalgashi dhexmara dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxaa martigelinaya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsatada iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha iskaashiga iyo maalgashiga.

Kulanka ayaa lagu lafaguri doonaa fursadaha iyo caqabadaha ku gedaaman iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, iyadoo lagu gorfeynayo istiraatiijiyadaha lagu gaari karo horumar waara oo ka hana qaada Soomaaliya.