Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka oo maalintii labaad galay

Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka iyo Saameynta Bulshada ay ku leeyihiin oo galay Maalinkii labaad.

Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameyn lahaa wararka Been Abuurka oo sameeyn Taban ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa waxa ka qeyb galaya mas’uliyeen ka socda,wasaaradda,wariyayaal ka socda warbaahinta Madax banaan iyo khuburo dhanka Saxaafadda oo dooda adag ka yeelanayo sid ugu fudud ee loo xakameyn karo wararka been abuurka iyo buunbuunintooda.

waxaa maanta lagu wadaa in shirka looga doodo arrimo ay kamid yihiin Saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka

Shirka ayaan lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,oo war murtiyeed laga soo saaro.