Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka furmay Nairobi

Nairobi: Waxaa magaalada Nairobi si rasmi ah uga furmay shirweynaha IGAD ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, oo socon doona 13 iyo 14 August, 2025.

Shirkan ayaa isu keenay boqolaal hoggaamiyeyaal dhallinyaro, khubarro iyo siyaasiyiin ka kala yimid dalalka xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dhallinyarada ee dhismaha nabadda iyo go’aan-qaadashada gobolka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Xoghayaha Guud ee IGAD, Mudane Workneh Gebeyehu, Madaxa IGAD ee Kenya, Dr. Fatuma Adan, Agaasimaha Waaxda Nabadda iyo Amniga IGAD, Com. Abebe iyo Wasiirka Dhallinyarada, Hal-abuurka iyo Isboortiga Kenya, Mudane Salim Mvurya, oo marti sharaf ka ahaa.

Doodaha Maalinta Koowaad

Shirku wuxuu ku furmay khudbad dhiirrigelin ah oo uu jeediyay Wakiilka Dhallinyarada IGAD, Sam Ogwal, kaas oo ku baaqay in dhallinyarada noqdaan hormuudka nabad-dhisidda, hal-abuurka iyo xalalka waara ee gobolka.

Waxaa maalinta koowaad ee shirkan waa qabsoomay saddex gole doodeed (Panel Discussions) oo muhiim ah:

1. Ka qeybgalka dhallinyarada ee hannaanka nabadda rasmiga ah, caqabadaha, fursadaha iyo dariiqooyinka lagu horumarin karo, oo ay ka hadleen wakiillo ka socda Sudan, Kenya iyo South Sudan.

2. Doorashooyinka iyo nabadda, kaalinta dhalinyarada ee ilaalinta dimuqraadiyadda, ka hortagga rabshadaha iyo dhismaha kalsoonida bulshada, iyadoo wakiil ka socda Soomaaliya uu ka qeyb qaatay.

3. Doorka baraha dijitaalka ee dhismaha nabadda, adeegsiga warbaahinta bulshada, sheekooyinka dhallinyarada iyo la-dagaallanka marin-habaabinta si loo xoojiyo nabadda iyo wadajirka bulshada.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay xafiiska Jinsiga ee IGAD oo kaashanaya waaxda Nabadda iyo Amniga iyo waaxda Horumarinta Caafimaadka iyo Bulshada, ayaa lagu wadaa in uu soo saaro talooyin siyaasadeed oo lagu xoojinayo ka qeybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada iyo nabad-dhisidda, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Dhalinyarada IGAD (2021–2030) iyo ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee Qaramada Midoobay.