Shirweynaha Dhismaha iyo Ansixinta Dasruurka D.Gobolleedka Waqooyi Bari oo la soo gabagabeeyay

Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu soo gaba-gabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.
Shirkan taariikhiga ah ayaa waxaa soo gabagabeeyay wasiirka arrimaha gudaha,federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh),iyadoo ay ka soo qeyb galeen 417-ergo oo matalayey bulshada kala duwan ee ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
                    Halkaan hoose ka Akhriso warsaxaafadeedka:-