Shirweynaha Dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo ka furmay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka gurney Shirwaynaha dhammeysttirka Dowlad Gobolleedka SSC-Khaatumo.

Shirweynaha waxaa ka soo qeyb galay  guddoomiye ku-xigeenka golaha Aqalka sare Sen. Cabdullaahi Timacadde, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Yusuf Ali Xoosh, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane C/qaadir Firdhiye,Wasiirro ka tirsan & xildhibaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka Dhaqanka SSC-Khaatumo, Ergooyinka ka socda SSC-Khaatumo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shirka ayaa muddada uu socdo waxaa looga tashanayaa ayaaha iyo dhammeystirka Dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.