Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka soconaya Muqdisho

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa Culimadu waxa ay ku soo bandhigeen sharciyadda diimeed ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Alshabaab, muhiimadda uu leeyahay iyo dabar-goynta sababaha keena xagjirnimada.

Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya Shirweynaha oo qaarkood safar dheer u soo galeen ka qeyb galka shirka ayaa maanta labaad jeediyay khudbado ay kaga hadlayaan doorka culimada ee dagaalka ka dhanka al-shabaab. Iyagoo xuay muhiimadda uu leeyahay in la dabar-gooyo fekerka gurrucan ee keena xagjirnimada.

Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa ku saabsan doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Fahamaka Saxda ah ee Diinta Islaamka.

2.Sharciyad-siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.

  1. Dhisidda Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed: Muhiimaddiisa iyo Sharciyadiisa.

Madaxweye Xasan Sheekh oo shalay furay shirka ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.