Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho ayaa maanta diiradda lagu saarayaa sharciyadda dagaalka lagula jiro Khawaariijta.
 
Shirka ayaa sidoo kale ku qotoma doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.
 
Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: fahamaka saxda ah ee Diinta Islaamka.
2.Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah.
 
Dhisidda golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: muhiimaddiisa iyo sharciyadiisa.
Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa in laga been abuurto Diinta Islaamka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa in cid kasta oo sheegata magac diimeed aan si fudud lagu aaminin.