Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska Dalka); – Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaasoo shalay ay si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirweynahan oo ah mid muhiim u ah dib-u-habeynta garsoorka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax ka socota maamul-goboleedyada, bulshada rayidka, jaamacadaha, iyo qaybaha kala duwan ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed.

Maanta shirka waxa diiradda lagu saaraya horumarinta sharciga, isla-xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hay’adaha garsoorka, iyadoo lagu falanqeynayo caqabadaha jira iyo fursadaha lagu dardargelin karo adeegyada cadaaladda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta soo xiro shirweynaha, isagoo ka jeedin doona khudbad ku saabsan jiheynta guud ee dib-u-habeynta cadaaladda ee dalka.