Shirweynaha 8-aad ee Madasha la-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha 8-aad ee Madasha La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika iyo Hey’adaha Isku-dhafka ah ee (FIGE) kaas oo ka dhacaya caasimadda magaalada DJabuuti ee dalka Jabuuti.

Guddiga Madaxa Bannnaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya oo sanadkaan xubin firfircoon ka ah madasha ayaa ka qeyb gali doonta kulamada iyo dood-cilmiyeedyada shirka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo kor uqaadista dowlad-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqa.