Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada oo galay maalinkii labaad

Shirkii manta oo lahaa xiiso gaar ah waxaa lagu soo jeediyay Khudbado iyo doodo muhiim ah oo lagu falanqeyay xaalada dhabta ah ee maalgashiga beeraha, horumarinta cuntada iyo doorka tiknoolijiyada ee kobcinta wax soosaarka gudaha.

Ujeeddooyinka ugu waa weyn ee NAFIS2025:

1- Doodo wax ku ool ah: Waxaa si furan looga doodayaa siyaasadaha la xiriira maalgashiga beeraha, gaar ahaan baahida loo qabo mashiino casri ah, kaydinta biyaha, iyo adeegsiga tiknoolijiyada si loo yareeyo khasaaraha iyo kor loogu qaado wax soosaarka.

2- Soo jeedimo waxtar leh: Khubarada iyo daneeyayaasha ayaa soo bandhigay xalal cusub oo la xiriira kor u qaadidda wax soosaarka beeraha, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta suuqyada gudaha iyo dibadda.

3- Isbeddelka Qorshaha Qaran ee Beeraha: Shirkan wuxuu horseed u yahay in dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha Maalgashi ee Cuntada dalka iyo Horumarinta Beeraha si uu uga jawaabo xaalada cusub ee isbeddeleysa ee cimilada, suuqyada iyo tiknoolijiyada.