Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’addaha Dowladda,hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qoddobka ugu muhiimsan uu yahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda,shirkan ayaa Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa gaaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeysta deyn-cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay he’addaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Dalka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.