Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay shirkadda maraakiibta ee Akkon Lines oo laga leeyahay dalka Turkiga, taas oo markii ugu horreysay si rasmi ah uga howlgaleysa Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, xubno ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, wakiillo ka socday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, iyo masuuliyiin ka kala socday shirkadaha Akkon Lines iyo Ocean Network Shipping oo ah wakiilka Soomaaliya ee adeegyada shirkadda akkon.
Shirkadda Akkon Lines ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato fududeynta isu socodka badeecadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo adeeg toos ah oo maraakiib ah ka hirgelinaysa labada dal. Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay kor u qaadi doonto xiriirka ganacsi, maalgashiga iyo isdhaafsiga dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.


