Shirkadda Apple oo xayiraad kusoo rogtay Ruushka

Shirkadda Apple ayaa joojisay wax soo saarka Ruushka iyada oo xaddidaysa Apple Pay iyo adeegyada kale ee ay bixiso iyadoo sabab uga dhigtay dagaalka dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in warbaahinta dawladda Ruushku maamusho kuwas oo ay ka mid yihiin RT News iyo Sputnik News ‘apps-ka mobilada ayaan hadda diyaar u ahayn in laga soo dejiyo App Store-ka shirkadda,iyadoo dhan ka kale Shirkaddu  hoosta ka xariiqday inay taageerayso dadaallada bini’aadantinimo iyadoo bixinaysa gargaar lagula tacaalayo dhibaatooyinka haysta qaxoontiga Ukraine.

Dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa sababay barakaca Ku dhawaad ​​660,000 oo qof kuwaas oo galay wadamada dariska ah sida ay sheegtay hey’ada caalamiga ah ee dalkaasi.