Shirka Wasiirrada Maaliyadda Africa oo ka furmay Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Wasiirrada Maaliyadaha dalalka Afrika ee loo yaqaano (𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐮𝐜𝐮𝐬-𝟐𝟎𝟐𝟓), kaas oo sanadkan ay martigalinayso dowaladda Central Africa Republic.

Shirkaan ayaa waxaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , u adkeysiga marxaladaha ka dhasha saameynta cimilada iyo arrimaha kale, sidoo kale waxaa lagu falanqeynayaa sare u qaadidda aqoonta iyo maalgalinta mashaariicda lagu horumarinayo deegaanka si looga dhigo mid cagaaran.

Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee ka qeyb qaata arrimaha maalgalinta sida IMF iyo Bangiga Adduunka, halkaas oo Dowladaha ka soo qayb galay shirkaan ay kusoo bandhigayeen qorshayaashooda gaarka ah ee ay doonayaan in loo maalgaliyo.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii loo helilahaa mashaariic horumarineed oo ka qeyb qaadata sare u qaadidda dakhliga gudaha.